Maxaa Cusub
Warar

Live Streaming

Kala soco Tafsiirka Qur'aanka Kariimka si toosa LIVE Streamka
Waqtiga: Sabti iyo Axad bacdal Maqrib
Waxaa akhriya Sh Dr. Ali M Saalah.

Isagoo muraajoco ah
http://www.youtube.com/tawfiiqduruus


 




Arrimaha Bulshada

Arrimaha bulshada ee Masjidku qabto waxaa kamida, Wacyi gelinta bulshada, ururinta madlamka, Xalinta khlifaadka qoysaska, Booqashada dadka xanuunsan, Qaban qaabinta aasintaanka dadka dhinta iyo arimaha la xidhiidha barbaarinta ubadka.

Dhalinta & Caruurta

Masaajidku wuxuu siiya taakulayn iyo talo bixin ku saabsan ubadka, dhalinyarada iyo waalidiintooda.

Dugsiga

Adeegyada masaajidku xubnihiisa u qabto waxaa kamida dugsiga. Dugsiga waxay ardaydu ku bartaan diinta Islaamka qaybaheeda kala duwan, sida Barashada Qur’aanka Kariimka, Axaadiista iyo Fiqiga, Tarbiyada Islaamka, Taarikhda Islaamka iyo Luuqada carabiga.

TIS wuxuu xubnihiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Scandinefiyaanka u qabtaa muctamar sanadle ah. Kulankan wuxuu masaajidku ugu talo galay sidii bulshada loogu faa’idayn laha arimaha la xidhiidha ku dhaqanka diinta Islaamka iyo wacyi gelin guud. 

Hajj & Cumrah 

Qaybta Hajjka iyo Cumrada waxay walaalaha u diyaariyaan gudashada Hajjka iyo Cumrada. Waxayna ka mid tahay adeegyada masaajidku qabto. 

Dhismaha Masjidka

Dhismaha masaajidku wuxuu ka kooban yahay: Basement (underground) iyo shan dabaq oo sare oo isugu jira ; – Fasalo. – Qaacooyinka salaadda (ragga iyo dumarka) . – Xafiisyo. –  Maktabadda Wax lagu akhristo.